ozilLaacibka Reer Germany ee haatan ah Indhaha iyo mooraalka Kooxda Gunners Mesut Ozil oo ka hadlay hanaanka awoodeed ee Naadigiisa Cusub ayaa shaaciyay in Arsenal ay haatan taagantahay dhabbihii ay u raaci lahayd hanaanka guulaha.

Ozil ayaa sheegay in Kooxda Arsenal ay iminka haysato Ciyaaryahano fiican kuna bahoobeen xiddigo da’yar oo uu sheegay inay haystaan tababare Qibrad wacan u leh Hanaanka guusha iyo midda Guuldaradaba.

Hadalka Mesut Ozil oo dhamaandiis u muuqday mid fariin u ah kooxaha kale ee ka hor imaanaya Arsenal ayaa waxa uu sheegay in Kooxda Gunners ay iminka haysato Fursad wanaagsan oo ay kusoo bandhigi karto Wacdaro ka yaabiyay bahda Sports-ka.

Laacibkaan oo xagaagaan kusoo biiray Arsenal ayaa waqti wacan kula naaloonaya kooxdiisa  Arsenal waxa uuna naadigiisa la dhadhamiyay guulo wax ku ool ah inkastoo uu sidoo kale la kulmay kaliya laba guul daro intii uu la joogay naadiga ka duula garoonka Emirates.

Ozil ayaa sidoo kale sheegay inuu aaminsanyahay in Arsenal ay diyaar u tahay la mucaamilka dhamaan kulamada adag ee kusoo wajahan ayna u halgamayaan sidii ay guulo wacan usoo hoyn lahaayeen.

isaga oo u muuqday inuu fariin gaar ah u dirayo Kooxaha adag ee kusoo aadan ayuu Ozil sheegay “Fariinta kaliya ee ka dhalatay guushiii Arbacadii aan ka gaarnay kooxda Borussia Dortmund ayaa ah in Arsenal ay garaaci karto koox walbaa oo ka hortimaada.

“Waa macquul in kol hore ay ka yara adgaayeen kooxaha adag ee wawayn,laakiin asbuucaan iyo dhawaanahaanba waxaan muujinay in aan awood u leenahay garaacno koox kastaa.

“ka hor intii aan kusoo biirin kooxda Arsenal waxaan ogaa fahamsanaana in arsenal ay tahay naadi awood leh,sidaas daraadeedna waxbadan kamaba fakarin.

“waxaan sidoo kale ogaa in Gunners uu joogo macalinka Aduunka ugu fiican,kaas oo yaqaana sida uu kooxdiisa u hormarinayo,anna waxaan haatan ka mid ah ciyaaryahanada Gunners.

Mohammud Hassan Idaajaa.

[email protected]

Stockholm-Sweden