Wararka naga soo gaaraya degmada Msagawaay ayaa sheegaya in maanta xaalada degmadaasi ay degan tahay, kaddib markii diyaarado dagaal ay duqeymo ka geysteen degmadaasi.

Sida ay sheegayaan dadka degaanka ilaa labada diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa duqeyn la eegtay gaadiid ay wateen saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab, halkaasi oo ka dhacay qasaarooyin kala duwan.

Gaadiidka Al-Shabaab ay wateen oo ka yimid degaanka Galcad ayaa la sheegayaa in halkaasi uu ka soo gaaray burbur xoogan, inkasta oo aan la sheegin qasaaraha rasmiga ah ee ka soo gaaray duqeymaha dhinaca cirka ah ee uga yimid diyaaradaha milatergiga Itoobiya.

Wararku waxay intaasi raacinayaan in diyaaradaha dagaalka ay burburiyeen ilaa afar gawaarida kolonyada Al-Shabaab ka tirsanaa, kuwaasi oo gebi ahaanba halkaasi ku bas beelay, iyadoo ay jiraan gaadiid kale oo ka fakaday duqeymaha.

Ma aha markii ugu horeysay oo diyaaradaha dagaalka ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwooda ka socda dalka Itoobiya ay duqeymo ka geystaan gobolka Galgaduud, iyadoo dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ciidamada AMISOM / Itoobiya ka wadaan degaanadaasi ay sii xoogeysanayaan.

Share this:

Short URL: http://www.ccdsomaliyouth.com/?p=31853

Posted by ccdyouth
on Aug 17 2015. Filed under Wararka maanta.
You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0.
You can leave a response or trackback to this entry